Dhagaxaa Hoostiisa Kala Soo Bax
Dadka Soomaaliyeed ee xoola-dhagatada ahi guurkooda
waxay ku salayn jireen duruufaha
Nololeed ee ku gedaaman. Gabadha ay guursanayaan waxay u xulan jireen gabadh karti iyo
waayo-aragnimo u leh nolosha dadka reer miviga ah oo ahayd nolol aad u adag. Maalin
maalmaha ka mida, ayaa wiil aabbihii ku yidhi, «Aabbow kolka waan qaan-gaadhaye idhis
ama i guuri", wakhti jilaalana waa lagu jirey. Odaygi baa wiilkii uu dhalay ku vidhi, "Aabbo
jilaal baa lagu jiraaye haddii ad geeleena kasoo saarto jiilaalka, waxa igu ballan ah
inaan kuu dhiso." Wiilkii baa geelii si fican u xannaaneeyey oo u xuluuleeyey oo abaartii
jiilaalka kasoo saaray. Ka dib aabbihi buu ku yidhi, "Aabbo waanigaa geeli jilaalkii kasoo
saaraye, idhis oo i guuri.
Odaygin baa wiilkii ku yidhi, "Waayahay ee orod oo gabadh doono." Wiilki sahan aad u deer
ka dib wuxuu soo helay gabadh aad u qurux badan wuxuu u keenay aabbihii. Aabbihii wuxuu
ku yidhi, "Ma gabadhanaad aabbo soo heshay oo aan kuu dhisaa." Wiilkii baa aabbihii ku
vidhi, "Haa." Aabbihii wuxuu ku yidhi, "Aabbo hantidi aan Tinku dhisilahaa dhagaxaa
hoostisay ku jirtaaye Kala soo bax', dhaguxuna waa dhagax weyn oo kambalka reerka
yaalla oo aanu qaadi karin.
Inankii baa dhagaxi isku qaaday oo kor u gaad is vidhi oo kari waayey. Muddo markin u la
cifanayey, gabadhiisiina ay ag-joogto oo ay waxba Kala gaban weyday, ayaa wiilka aabbihi
ku yidhi, "Aabbo tani taadi maahee orod oo gabadh kale doono." Wiilkii baa gabadh kale
raadiyey oo doontay. Sahan dheer ka dib wuxuu soo helay gabadh meel dhexaada oo aan tii
hore xagga quruxda aan la mid ahayn oo ka waabsan. Aabbihi ayuu ula yimid. Wiilkii wuxuu
ku yidhi odaygi, "Aabbo tanaan soo helay ee i dhis." Aabbihi baa vidhi, "Aabbo wixii an idinku
dhisi lahaa dhagaxaasuu ku hoos jiraaye
kala soo bax."
Wiilkii dhagaxii buu isku gaaday, isaga oo gabadhiina ay agtaagan tahay oo wuu qaadi kari
waayey, gabadhiina waxba kala may qaban.
Odaygii haddana wiilkii wuxuu ku yidhi, "Tanina
taadi maahee orod oo gabadh kale doono."
Wiilkii baa haddana gabadh kale doontay. Sahan dheer ka dib wuxuu soo helay gabadh
foolxun, gaaban oo fariida. Aabbihii buu ula yimid, waxaanu ku yidhi, "Aabbo tanaan soo
helaye i guuri." Odaygina wuxuu ku yidhi, "Wixii aan idiinku dhisi lahaa dhagaxaas ku jiraane
kala soo hoos bax?" wiilki dhagaxii ayuu isku qaaday, wuxuu la firigfirig leeyaba gabadhii oo
agtaagnayd ayaa. markay aragtay in aanu rogi karayn dhinaca la qabatay oo
way la rogtay.
odaygi wuxuu wiilkii ku yidhi, "Aabbo gabadhan ayaa taadiya, tijaabadaan doonayeyna waad
ka soo baxday, waanan kuu dhisayaa." Sidii baanu odaygii wiilkiisii inantii uu soo kaxaystay
ugu dhisay.
ujeedada iyo macnaha sheekadan ku jiraana waxa weeyi, in labada qof ee isguursadaa ay
duruufaha nololeed ee ku xeeran ay wadaagaan, hadday naagtu naag jilicsan nogoto oo
hawsha reerka waxba kaala qaban waydana reerkaasi wuu baaba'aa oo waxba ma noqdo.
Sida maahmaahda Soomaaliveed tidhaa, "Jilaalka iyo ninku way legdamaan waxase
guulaysta kolba kay naagtu raacdo".